Xildhibaano ka tirsan BF oo abaabulaya qorshe mudo kororsi ah inta aan la magacaabin R/wasaare

4

Warar ay heshay radio markabley  ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan  Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay maalmaha soo socda muddo kordhin hal sano ama laba sano ah u sameen doonaan hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Tallabaadan oo la sheegay inay gadaal ka riixayaan madaxda Qaranka ayaa looga gol-leeyahay in Ra’iisul Wasaaraha cusub la magacaabo, iyadoo muddo kordhin la sameeyay si looga fogaado isqabad kale oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha soo socda ah, kaas oo mar kale ka dhasha arrimaha doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in arrintan abaabulkeeda ay qeyb ka yihiin dhamaan Xildhibaanadii habeen ka hor shirka ku qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqeynayaan midnimada baarlamaanka iyo badbaadada dalka.

Wasiirka amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shalay sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ku howlan yihiin in mudo kordhin ay u sameeyaan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona ka digay mudo kordhin lagu sameeyo waqtiga ay ku dhacayso doorashada dalka.