Weriye Abuuja oo maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida lasoo taagay

24

Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ayaa maanta la soo taagay maxkamdda ciidamada qalabka sida, waxuuna weriyahaan mudooyinkii lasoo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya oo ku soo eedeysay Shabaab-nimo.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa todobadii bishii Maarso xabsiga dhigay Weriye Abuuja, waxaana loo gudbiyay xabsiga dhaxe ee Xamar, ururrada warbaahinta Soomaaiyeed ayaa dadaal dheere u galay sidii weriye Abuuja uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda, wuxuuna sheegay in go’aanka dacwada ay maxkamadu dib ka soo shaacin doonto.

Warqad kol-hore ka soo baxday wasaaradda warfaafinta xukumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Weriye Abuuja loo haysto in uu ka tirsan Al-Shabaab, isla markaasna uu ku lug-yeeshay fal dil ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, in kastoo aan weli cadeyn loo helin.