Daacish oo weerar khasaare geystay ku qaaday xabsi ku yaalla Afghanistan

37

In ka badan 20 ruux ayaa ku naf waayey weerar ay koox hubeysan oo ka tirsan ururka Daacish ay ku qaadeen xabsi ku yaalla dalka Afghanistan.

Weerarkaan oo xalay soo bilowday ayaa lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Jalalabaad ee ku taalla bariga dalka Afghanistan.

Warar laga helay xarumaha caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaartay 21 ruux, waxaana ku dhaawacmay 43 qofood oo kale.

Dadka ku wax-yeeloobay weerarkaas waxay iskugu jiraan maxaabiis xabsiga ku xirnaa, askartii ilaalineysay, dad shacab ah oo xabsiga daris la ah iyo qaar ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Nangahar oo la yiraahdo  Attaullah Khogyani ayaa sheegay in seddax ka mid ah kooxdii weerarka qaaday ciidamadu ammaanku dileen.

Xabsigaan la weeraray waxaa ku jiray 1,700 oo maxbuus oo u badan dagaalamayaal ka tirsan ururada Daacish iyo Taliban.

Warbaahinta gudaha Afghanistan ayaa werisay in qaar ka mid ah maxaabiistii xabsiga ay baxsadeen, inkastoo qaarkood lasoo qabtay, sida dowladdu sheegtay.

Todobaadkii hore Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay dalka Afghanistan lagu dilay in ka badan kun ruux oo ay boqolaal caruur ah ku jiraan.