Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay xil ka qaadistii Kheyre

33

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilka qaadistii  ay baarlamaanka Soomaaliya ku sameeyeen xukumaddii hore ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf  Gaax-nuug ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in muddo yar lagu bur-buriyo xukumadii dhameed ee wadahalka ay kula jireen.

“Runtii waxaad aragteen waxa ka dhacay Muqdisho in dowlad dhan oo jirta lagu rido wax ka yar 30-daqiiqo, waa arrin ay ka muuqato mas’uuliyad darro iyo in dhexdooda aysan is aamineyn cid kalena aysan aamini karin, sida beesha caalamka waana wax aad loola yaabo” ayuu yiri wasiir Liibaan.