:-Xildhibaano sheegay inay ka Shaqeynayaan dhicista doorasho qof & Cod ah

20

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Xildhibanao ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay ka Shaqeynayaan sidii dalka loo badbaadn lahaa sidoo kalena ay u dhici laheyd doorasho qof & Cod ah.

Xildhibaannada oo tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayeen in ka badan 50 ayaa waxaa kamid ahaa Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda xilka siiheysa,waxaana ay shaaciyeen inay muhiim ahay in Baarlamaanka Soomaaliya la mideeyo.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise (Runsheeg) oo Akhriyay Warka kasoo baxay Xildhibaannada ayaa sheegay in ay isugu yimaadeen inay samata bixiyaan dalka kana Shaqeeyaan doorasho qof & Cod ah,isla markaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay mideeyaan.

Waxaa uu sheegay inay doonayaan inay dalka ka badbaadiyaan qatar ay sheegeen inay dalka kusoo fool leedahay,sidoo kalena shirarka ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo doorashooyinka ay sii wadi doonaan.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa horay waxaa ay u sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo muddo kororsi,waxaana Xildhibaannada shiray ay u muuqdaan kuwa doonaya in waqti loogu daro muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo ku eg 8-da Bisha Febaraayo ee snadka 2020.