Faah-faahino ka soo baxaya Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

12

Qof is-miidaamiyey ayaa goor dhaw is qarxiyey maqaayad ku yaalla degmada Xamar-Jajab oo lagu magacaabo Luul-Yamani, taas oo u dhaw dekedda weyn ee Muqdisho.

Warar hor dhac ah oo laga helayo qaraxaas waxay sheegayaan in qofka is-miidaamiyey uu isku qarxiyey waardiyaha hore ee maqaayadda, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyey laba qofood ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxaana faahfaahin ka bixiyey oo warbaahinta la hadlay afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.