Shirka Mudullod oo ka furmay Muqdisho iyo wasiir Islow oo fariin culus u diray madaxda DF

15

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirka beelaha Mudullood, kaas oo looga hadlayo arrimo u gaar ah beesha iyo kuwo guudba, waxuuna shirkan dib u dhac ku yimid marar badan.

Shirkan ayaa ka furmay Mowlaca Macalin Nuur ee ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culumida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiinta hadalka ka jeediyey furitaanka shirkaas waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxuuna carabka ku adkeeyey  inay lama horaan tahay in dalka ay doorashado waqtigeeda uga dhacdo.

“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, hal maalin laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ayuu ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadadii madaxdii ka horeysay”ayuu yiri wasiir Islaw

Sii-hayaha Wasiirka amniga oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaano doonaaya muddo kororsi, isla-markaasna ay u egtahay arrin lagu riyoonayo.

“Waxan arkay xalay xildhibaano shiraya oo raba in laba sano lagu darsado. Waxaan leeyahay kuwaas riyada ka kaca, riyaad ku jirtaan. Doorashada waqtigeeda waa in lagu qabtaa.”

Wasiir Islow ayaa ka mid ahaa wasiirrada sida aadka ah ugu dhaw Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre, waxuuna aad u muujiyey in uu ka xumaa xil ka tuuristii Kheyre.