Diyaaradaha Yahuuda oo weerar ka fuliyey marinka Qasa

19

Saraakiisha ciidamada Yahuuda ayaa sheegay inay weerarro ku burburiyeen xarumo uu hub ugu keydsanaa ururka hubeysan ee Xamaas oo ku yaalay marinka Qasa.

Warbaahinta Israel oo saraakiil ciidan soo xiganeysa ayaa werisay in diyaaradahooda dagaalka ay gantaallo ku garaaceen dhawr xarumood oo Gasa ku yaalla qaarkoodna ay dhulka ka hooseeyeen.

Warkaan waxaa lagu sheegay in weerarkaan uu jawaab u ahaa gantaallo xalay laga  riday dhanka Qasa oo lagu qaaday dhulka ay Yahuudu xooga ku haysato.

Weli lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeyntaan maanta dhacday.

Ururka Xamaas waxaa uu sheegay inuu ka aar gudan doono Israel.