DFS oo dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaali ah

15

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed ,kuwaas oo in mudo ah ku xirnaa dalka Iran.

Diyaarad siday in ka badan 28 maxbuus oo ka soo baxday magaalada Tehran ee caasimada dalkaasi Iran ayaa maanta waxa ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa waxa ay qaarkood mudo bilooyin ah  ku xidhnaayeen xabsiyo ku yaalla dalkaasi Iran, waxaana lagu sii daayay dadaalo ay bixisay dawlada Soomaaliya.

Sii deyntooda ka dib ayaa waxaa la sheegay in ay u xayirnaayeen duulimaadyada dalka oo uu saameeyay cudurka Covid-19 Soomaaliya iyo dhammaan dalalka dunida.