Madaxda Hirshabeelle oo lagu eedeeyay in ay caqabad ku yihiin shaqooyinka Baarlamaanka Hirshabeelle

26

Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle  ayaa waxa uu cambaareyn u jeediyay madaxda ugu sareysa maamulkaasi.

Xildhibaan Ganey ayaa waxa sheegay in madaxda maamulkaasi ee uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaasi Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ay caqabad weyn ku yihiin hawlaha shaqo ee Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in kulamadii ay yeelan lahaayeen mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle si ay u gutaan hawlaha ay bulshada reer Hirshabeelle ku matali lahaayeen ay in mudo ah hakad ku jiraan.

Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaanan dhicin shirarka iyo kulamadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo aan la ogayn sababta arrintaas ka dambaysa.