Deni oo shaaciyay qorsho Cusub ay la tagayaan Shirka Dhuusamareeb

17

15-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ku yeeshaan Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada,waxaana Puntland ay sheegtay in shirkaasi ay la tageyso qorshooyin Cusub.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo qabsmoomida shirkaas,isla markaana dadka iyo dalka Soomaaliya wayaaboo dan u ah ay kasoo bixi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirarkii horay uga dhacay Dhuusamareeb ay la tageen wanaag, hayeeshee shirka soo socda ay la tegi doonaan la xisaabtanka Madaxda Sare ee Dowladda maadaama sida uu sheegay in Madaxda Sare ay ka baxeen wayxaabo ay ku heshiiyeen.