Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo hal arrin uga digay madaxda DF

4

Puntland ayaa si adag uga digtay in dowladda federalku ay isku daydo inay sameysato muddo kororsi, xilligan kala guurka ah, isla markaana ay lama huraan tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Wasiirka arrimaha gudaha ahna xubnaha Puntland ku matalaya guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta arrimaha doorashada, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federallka oo mudo xileedkeedu uu gaba-gabo yahay ay ku fekerto waqti kororsi.

“Afar sano ayaa dadka iyo dalka wax loo qaban waayey, markii xilka uu ka dhamaadayna inay yiraahdaan hanaloo kordhiyo, waa nasiib darro,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka inay ka shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd.

Wasiir Dhabancad ayaa hadalkan ka sheegay xuska munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan markii la aas-aasay dowlad goboleedka Puntland.

Puntland deegaanadeeda waxaa maanta laga xusayaa 22-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamulka.

Puntland waxaa la aas-aasay 1-dii bishii agoosto ee sanadkii 1998-kii oo haatan laga joogo 22-sano, xilligaas oo intiisa dalka Soomaaliya uu dhex maquuranayey dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabaddan uga qeyb gelaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu wadaa in halkaas uu ka jeediyo khudbad ku saabsan xaladda Puntland iyo guud ahaan dalka.