Barakacayaal hor leh oo soo gaarey Baardheere oo ka cabanaya xaalad nolol xumo.

85

Qoysaskani Barakacayaasha ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 100 qoys ayaa u badan qoysas haysta caruur aad u yar yar ,haween iyo dad kale oo waayeelo ah,waxayna todobaadyadii ugu dameeyey ay ka soo kala barakaceen Deegaano hoosyimaada degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Qaar ka mid ah Qoysaskan Barakacayaasha ah ee ku biirey Xero barakacoo ku taala xaafada buulo kuulow ee degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen inay aad ugu dhib qabaan helitaanka Raashin,Hoy ,biyo Nadiif ah iyo sidoo kale adeeg caafimaad.

Maxamed ibraahin xasan oo ah Gudoomiyaha Xaafada Buulo kuow oo Barakacayashani ay degan yahiin ayaa sheegay nolosha Qoysaskani in ay taagan tahay meel halis ah,isagoona sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan Qoyasaskani oo ka soo barakacay Degmada Diinsoor.

Sidoo kale cabdulaahi maxamuud Xasan oo ah G.ku xigeenka Gudiga Xeryaha Barakacaysha ayaa sheegay in Qoysaskani ay dhib qabaan ,islamarkaana ay u baahan yahiin in laga caawiyo adeegyada ay ugu horeeyaan Cunnada,Hoyga iyo Caafimaadka.

horjoogaha xerada Barakaca ee dadka ni ay ku nool yahiin ayaa sheegay in Qoysaskani haatan ay noloshooda ku tiirsan tahay tuugsiga iyo goobaha xoolaha lagu gawraco oo uu tilmaamay in ay ka helaan Maqaarka Geela,Lo,da iyo hilbaha ka soo hara Xoolaha.