Guddoomiyihii D/Bedelweyne oo la bedelay

27

Waxaa xilkii laga qaaday guddoomiyihii magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Safiyo Sheekh Xasan Cali, iyadoo la magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii looga qaaday duqii hore ee Beledweyne Safiyo Sheekh Xasan, iyadoo isla wareegtadaas lagu magacaabay Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada ayaa lagu xusay in “isbeddelkan loo sameeyay si loo dardar geliyo hawlaha ka socda” Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hey’adaha ammaanka iyo shacabka reer Beledweyne ayaa sidoo kale wareegtadan lagu faray inay si buuxda ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay