Ururka Al-Shabaab oo si rasmi ah uga hadlay xil ka qaadistii R/W Kheyre

45

meeyey Ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, waxayna ridista xukuumaddii Kheyre ku macneeyeen mid wadadii burburka ku hageysa dowladda Soomaaliya.

Afhayeen Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay ku kala tageen “la dagaalanka diinta Islaamka oo ay heshiiska ku ahaayeen” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay iska dhigayeen dad bulshada u daneynaya oo daacad ah, balse hada ay soo baxday in nin kasta uu dantiisa gaarka ah watay.

Cali Dheere waxa uu kala tagii Kheyre iyo Farmaajo ku macneeyey guri caaro-caaro oo sanado badan ay soo dhisayeen, balse hadda ay gacantooda ku duminayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladihii shisheeye ay hadda ka shalaaynayaan wixii hanti uga baxay Soomaaliya, isla markaana ay canaan la daba joogaan madaxda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere wuxuu soo haday qaaday duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay todobaadkii lasoo dhaafay ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay seddax carruur ah oo keliya, dhankoodana uusan ka soo gaarin wax khasaare ah.

Sawirro laga soo qaaday caruurta lagu dilay duqeyntaas waxay muujinayaan in seddaxda wiil ee la dilay, kan ugu weyna uu hadda qaan gaaray, sida muuqata. Dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM-na waxa ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay xubno Shabaab ah.