Maxaa maanta ka socda deegaanada Puntland?

22

Sabtida maanta ah waxaa degaannada Puntland laga xusayaa sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii maamulka, oo ku asteysan 1-dii bishan Agoosto.

Puntland waxaa la aas-aasay 1-dii bishii agoosto ee sanadkii 1998-kii, xilligaas oo intiisa dalka Soomaaliya uu dhex maquuranayey dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday.

Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qabanayaa xuska munaasabaddaasi 1-da Agoosto, waxaana dib loogu milicsanayaa taariikhda aas-aaskii Puntland. Waxaana Puntland maalintaan xustaa sanad kasta.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabaddan uga qeyb gelaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu wadaa in halkaas uu ka jeediyo khudbad ku saabsan xaladda Puntland iyo guud ahaan dalka.