Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray

12

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa si weyn loogu so dhoweyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada ka socda Muqdisho ee ku aadan in doorashada xilligeeda ku dhacdo laga hirgaliyo dalka.

Xildhibaano tirsan Golaha Shacabka ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, waxaana  uu ku biiri doona ololaha ka socda Muqdisho ee xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu kala hadlo gurmadka Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye .