Imaaraadka “Turkigu faraha hakala baxo arrimaha Carabta”

5

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah sheegay in Turkigu uu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimaha Carabta, isagoo dhaleeceeyay hadalladii ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga ee arrimaha Libya.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo warisaay in wasiirka difaaca ee Turkigu uu hadallo dhalleeceyn ah u jeediyay ficillada Imaaraadka ee ku wajahan Libya.

Imaaraadka, oo ay weheliyaan dalalka Masar iyo Ruushka, ayaa taageeray taliyaha ciidamada bariga Libya Khalifa Haftar, oo ciidankiisu ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Turkiga ayaa sare u qaaday taageerada uu siiyo dowladda Tripoli.

“Cilaaqaadyada laguma maareeyo hanjabaado, mana jirto meel aqbaleysa khiyaanooyinka gumeysiga cusub,” ayuu boggiisa Twitter-ka ku qoray Anwar Gargash.