Dhaleeceynta ansixintii G/Wasiirrada oo isi-soo tareysa iyo Xisbi si adag uga hor yimid

3

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay shuruucda ay Khamiistii lasoo dhaafay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya oo aan heysan kalsoonidii baarlamaanka dalka.

Qoraalka Xisbiga Wadajir waxaa lagu sheegay in golaha xukuumaddii dhacday ee Ra’iisul wasaare Khayre aysan wax sharciyada u heysan inay ansixiyaan shuruuc, maadaama aysan haysan kalsoonidii golaha shacabka oo 25-kii July kala laabtay.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa 30-kii Julay ku ansixiyey Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya.

Si lamid ah Xisbiga Wadajir, ururada Bulshada Rayidka ah ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintaas, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in soo macaabista golaha Adeegga Garsoorka iyo  hey’adda Batroolka dalka lagu sugo xukuumad cusub oo kalsooni ka heysata baarlamaanka Soomaaliya.