Xukuumadda Libya oo siideysay maxaabiis ay dagaal uga qabatay Jeneraal Khaliifa Haftar

3

Maxaabiis ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya ayaa la siidayey, kadib markii hey, adda Amnesty International ay ka qayb qaadatay siideyntooda.

41-qofood oo maxaabuus ah aan ugu xirnaa dalkaas ayaa ooda laga qaaday, kuwaas oo ay ku jiraan xubno maleeshiyaad ah oo ka bar-bar dagaallami jiray  Jeneraal Khaliifa Haftar oo dagaal adag kula jira dowladda sharciga ah ee dalkaas Libya.

Dagaalamayaashaan ayaa waxaa lagu soo qabtay dagaalladii qaraaraa ee ka dhacay bariga dalkaas Libiya, una dhaxeeyey ciidamada dowladda uu caalamku aqoonsanyahay oo garab ka heleya xoogaga dalka Turkiga iyo xoogga uu hoggaamiyo Jeneraaalka mayalka adag Khaliifa Haftar.

Dagaaladii ka dhacay bariga Libya ee u dhaxeeyey labaadaas garab waxaa ku taag  roonaaday dowladda uu fadhigeedu yahay Tripoli oo gacan-siin weyn ka heshay dowladda Turkiga.