Somaliland oo mamnuucday bandhig faneedyada la qabto maalmaha ciidda

13

Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dhammaan degaannada Somaliland wax bandhig-faneed ah lagu qabto maalmaha Ciidda Carrafo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bandhig faneed ah oo maalmaha Ciidda lagu qabto degaannada Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta loo joojiyay bandhig faneedyada ay tahay maadaama ay ka baxsan yihiin Dhaqanka iyo Diinta Suubban islamarkaana ay wataan fasahaad iyo dhaqan-xumooyin aan bannaanayn.

Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale xusay in Ciidanka Booliiska Somaliland ay ku amran yihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami wayda amarka Xukuumadda ee ku aaddan mamnuucidda bandhig-faneedyada.