Axmed Madoobe oo sheegay in Ciidanka Jubbaland qabteen waxyaabaha qarxa & dadkii waday

9

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa marka hore dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo ee Sanadka 1441-HIJRIGA.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay muhiimada ay leedahay in maanta oo kale la garab istaago dadka aan waxba haysan si ay farxad ugula ciidan Bulshada isagoo ku booriyay in qof walba uu garab istaago walaalkiisa aan waxba haysan taas oo ajir ay ugu sugan tahay wixii uu qof walba la boxo.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in dalkeenu uu la daala dhacayo duruufo kala duwan oo ay ugu weyn yihiin nabadgalyada iyo Xanuunka Covid19 oo Wali ka jira qaybo badan oo dalkeena ah isla markaana galaaftay dhaqaalahii aan markii horaba cagaha adag ku taagnayn ee Bulshadeena.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay raacan talooyinka hay’adaha Caafimaadka iyadoo waliba hada loo diyaar garoobayo sidii loo fududayn lahaa xayiradaha saaran waxyaabaha Bulshada muhiimka u ah iyadoo laga duulayo in dib loo bari taaro dhaqaalaha iyo Nolosha shacabka.

Shacabka Ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida hay’adaha amaanka ay ugala shaqaynayaan nabadgalyada isagoo xusay in howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada amaanku ay sameeyeen lagu soo qabtay maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen in Shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Sanadkan Sanadkiisa inay ku gaaran Nabad iyo Barwaaqo.