Taliye Khaliif Cabdulle Maalin oo walaac ka muujiyay amni darada ka jirta degmada Kaaraan

27

Taliyaha Booliska qeybta bari, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin oo xalay ka qeyb galay kulan looga hadlayay amniga, kaasi oo lagu qabtay degmada  Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in  dhibaato amni xumi ay ka jirto oo ka jira gudaha degmadaasi.

Gaashaanle Khaliif ayaa tilmaamay in amniga degmada  Kaaraan uu maalmahan  faraha ka sii baxayo, islamarkaana ay dhibaatooyin ka geystaan maleeshiyaad hubeysan oo wata dareeska ciidanka DFS.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in amni darada ka jirta degmada Kaaraan ay xiliggan marayso heer Bac la’isku dhalaaliyo.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in wadaan qorsho looga hortgayo dadka falalka amni daro ka geysta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka degmada Kaaraan inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana la haayo kiisas badan oo la xiriira dilal iyo dhac ay geysteen rag hubeysan.