Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray amaro la xiriira Ciida Carafo.

23

Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Diinta iyo Awqaafta oo ay wehliyaan maamulka Gobolka Baay, Maamulka Degmada Baydhabo iyo laamaha amniga ayaa amar kasoo saaray xoolaha la gowraco maalmaha ciida Carafo.

Mukhtaar Maxamed Guuleed wasiirka Xanaanada Xoolaha, Diinta iyo Awqaafta oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu faray dadka gowracanaya xoolaha inta lagu gudaha jiro xiliga ciida cafaro, si loo ilaaliyo nadaafadda deegaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in cidii lagu arko iyada oo xoolo ku qalayso xaafadaha hortooda iyo Laamiyada in laga qaadayo taalabo sharci ah, islamarkaana uu ku dhacayo ganaax lacageed siadaas darteed waxa ay uga digtay dadka in ay xoolaha geeyaan goobaha loo qorsheeyay.