Taliska Booliiska magaalada Baydhabo oo baaq u diray shacabka magaaladaasi

18

Taliska Ciidamada Booliiska magaalada Baydhaba ayaa baaq u diray dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baydhaba.

Taliyaha Saldhigga Ciidamada Booliiska ee magaalada Baydhaba Korneyl Mukhtaar Ibraahim Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu shacabka ugu baaqay in ka qayb qaataan suggidda amniga magaalada .

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Taliyuhu in ciidamada Booliiska ay marwalba diyaar u yihiin ay sugaan amniga iyo xasiloonida deegaannada uu maamulo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyuhu waxa uu ugu baaqay ciidamada Booliiska in ay xil weyn iska saaraan ammaanka guudka ee deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan maalmaha Ciidda lagu gudo jir, si looga feejignaado weeraro ka dhaca deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu maamulo.