Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madaxweyne Qoor Qoor

7

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor .

Kulanka Labada masuul ayaa waxaa uu ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor, kaas oo uu ku booqday guddoomiye Cumar Filish.

Kulankaasi ayaa waxyaabihii ay uga wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii ay u wada shaqayn lahaayeen gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa la sheegay in waxyaabihii ay isla soo hadal qaadeen ay ka mid ahaayeen, in sidii maamulka gobolka Banaadir uu qayb uga noqon lahaa, ka qayb galka shir madaxeedka wadatashiga ah ee lagu wado in 15 bisha soo aadan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo wajiyadiisii hore aysan ka qayb gelin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya .