Maxkamadda G/Banaadir oo xukun ku riday Weriye C/casiis Gurbiye

22

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqday xukunka Tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, kadib markii maxkamadda maanta la hor geeyey markii afaraad.

Maxkamadda goboilka Banaadir ayaa Weriye Gurbiye ku xukuntay 6-bilood oo xabsi ah, waxaana la sheegay in kuxunkiisa loo coskaday qodobka 368-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa weriye Gurbiye ku eedeysay in uu faafiyey warar been abuur ah.

Urrurada saxaafadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la bebedalay eedeymaha loo heysto Weriyaha, isla markaana dad aan loogu talo gelin baarista ay ka qeyb qaadanayaan maxkamadeynta Weriyaha.

Sidoo kale qareenada u doodayey Weriyaha waxay sheegeen in aysan cadeyn cidda ka soo dacwootay Cabdicasiis Gubiye.

14-kii bishii Abriil ee sanadkan ayaa Weriye Cabdicasiis Gurbiye lagu xiray saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii looga yeeray, waxaana afar maalmood kadib lagu sii daayey damiin.

Gurbiye ayaa afartii bilood ee lasoo dhaafay banaanku ku joogay qaab damiin ah, waxaana laga mamnuucay in uu sameeyo wax qoraal ah.