Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo dalbaday in sharci laga soo saaro Maraakiibta sharci darrada uga jillaabta biyaha Soomaaliya

13

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta wax uu ka hadlay sumeynta la sheegay in dawlado ajaaniib ahi ay sumeeyaan biyaha badda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somalia Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu sheegay in biyaha baddeena Soomaaliya ay ku jiraan khayraad aad u fara badan, isla markaasina ay bulshada Soomaaliyeed ka helaan faa’iidooyin kala duwan.

Waxa uu xusay in dawlada Soomaaliya looga baahan yahay in ay ilaaliso khayraadka dalka,si looga faa’ideysto.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay sharci ka soo saarto marakiib la sheegay in biyaha Soomaaliya ay ku daadiyaan walxo sun ama kiimikaallo ah, kuwaas oo wax u dhimi kara khayraadka baddeenna Soomaaaliya.

Inta badan Maraakiib ajaanib ah ayaa waxaa la sheegay in hab sharci darro ah uga jillaabtaan biyaha Soomaaliya, taas oo uu wasiirku dalbady in lagala xisaabtamo, isla markaasina laga soo saaro sharci.

Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ka hor jeediyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hageysa ee Muqdisho.