Wasiirka arrimaha dibadda DF ka jawaabtay dhaleeceynta beesha caalamka

15

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay falcelintii beesha caalamka ee ka dhalatay kalsooni kala noqoshadii xukuumadii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay markii xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan buuq hareeyey kalsoonidii ugala noqdeen xukuumadda Kheyre waxaa isak soo daba dhacayey  dhaleeceyn ka dhan ah wixii dhacay oo ka imaaneysay dowladaha iyo ururrada taageera Soomaaliya.

Wasiir Cawad waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan talooyinka igu imaanaya beesha caalamka ee u badan in dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin raalina laga wdayahay.

Axmed Ciise Cawad ayaa intaas ku daray in beesha caalamku ay leedahay tala-soojeedin oo kaliya, balse go’aankeeda ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya