Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inuu ku dhawaaqo raysal wasaare Cusub

16

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wada latashiyadii ugu dambeeyey ee ku aadan magacaabista raysal wasaaraha Soomaliya kadib, markii maalintii Sabtadii la soo dhafay ay golaha shacabka Soomaliya ay kalsoonidii kala laabteen xukumadii Xasan Cali Kheyre, kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yisheen.

Wararka aan ka haleyno madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu  inta badan soo afjaray la tashiyadii ku aadanaa magacaabista raysal wasaaraha lana filayo in uu ku dhawaaqo ka hor inta aanu u amba bixin safar uu ku aadayo dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga.