Masjid ku yaalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin oo sabab yaab leh loo gubay

30

-Qeyb ka mid ah masaajid ku yaalla Daanta Galbeed ayaa Isniintii la gubay, iyadoo mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan Israa’iiliyiin doonaya iney halkaasi deegaan ka sameystaan.

Wasaaradda arrimaha diinta ee Falastiin iyo madaxa wadaxaajoodka Falastiin Saeb Erekat ayaa ku eedeeyey dadka Yuhuudda ah ee deegaameynta doonaya in ay weerarkan ka danbeeyaan.

Amir Peretz oo ah wasiir ka tirsan dowladda Israel ayaa farriin uu soo dhigay Twitter-kiisa ku canbaareeyey weerarkan oo uu sheegay in “danbiilayaal ah naceyb abuuraya” ay ka danbeeyeen falkaasi dabka lagu qabadsiiyey magaalada Al-Bireh, wuxuuna dalbaday in caddaaladda la horkeeno. Hase ahaatee, wasiirka ayaan si cad ugu xusin kooxda deegaameynta dooneysa in ay ka danbeeyaan weerarka.

Sarkaal ka tirsan adeegyada gurmadka degdegga ah ee Falastiin ayaa sheegay in qeyb ka mid ah masjidka Al-Bir iyo Al-Thsan la gubay ka dib markii walxa dareere ah oo holcaya daaqadda dhismaha laga soo dusiyey aroortii hore.

Waxa uu sheegay in dadka daggan agagaarka masjidka iyo dab-damiyayaashu ay ku guuleysteen in ay dabka bakhtiiyaan, iyadoo aagga lagu tukado salaadda ee masjidka ay ka badbaadday waxyeelo soo gaarta.