Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray Dekedda Muqdisho

27

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan sii hayayaasha wasaaradaha dekadaha iyo maaliyadda ayaa maanta kormeeray Dekadda Muqdisho, waxuuna maamulka dekadda faray inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

 

Mahdi ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxaa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

 

Mudane Mahdi ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala dekadda in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda lagu aaminay maadaama dowladda Soomaaliya uu ka dhacay Isbedal.

 

Waxaa uu xusay in aan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha dowladda, wuxuuna kula dar-daarmay maamulka cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso dekaddu.