Garowe: Khasaare ka dhashay isku dhacyo dhex maray banaan-baxayaal iyo Booliska

24

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku waramaya in khasaare uu ka dhashay rasaas ay ciidamada ilaalada saldhiga dhexe ee Garowe ku fureen dad shacab ah, kadib markii ay isku dhaceen.

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii dad shacab ah oo banaanbax dhigayay, kuwaas oo ka cabanayey canshuur kordhin uu maamulku ku sameeyay.

Khasaasaha ka dhashay rasaasta ciidamadu rideen ayaa lagu sheegay seddax qofood oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidamada rasaasta ku furay dadkaas shacabka ah ayaa ku guuleystay inay markii dambe kala eryaan dadkii banaanbaxayey oo ahaa shacab ganacsato u badan.

Saraakiisha Booliiska Puntland ee magaalada Garowe ayaan weli wax war ah kasoo saarin isku dhacyadaas maanta bartamaha magaalada ku dhex maray ciidanka iyo dadka shacabka ah, taas oo khaasare dhaawacyo ah ay ka dhasheen.

Dadkan ayaa si weyn uga soo hor jeestay canshuur kordhin ay sheegeen in maamulku uu ku sameeyey, taasi oo keentay inay maanta dibadbaxyo sameeyeen inkastoo boolisku dhiciseeyey.