Baarlamaanka Puntland oo u yeeray wasiirka Dekadaha ee maamulkaasi

55

Kulanka  27-aad ee xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Puntlnd ayaa ka furmay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ajanda kulanka  ayaa maanta waxaa uu yahay dhameystirka Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale  waxay isku raaceen in qodobka Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag lagu darro Qodobka La Xisaabtanka Xukumadda.

Dhinaca kale , Xildhibaannadda Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa isku raacay in Ajandaha Fadhiga berri uu noqdo Dib-u eegista heshiiska P & O Ports ( DP-WORLD).

Baarlamaanka Puntland ayaa u yeeray wasiirka Dekadaha puntland si wax looga waydiiyo heshiiska DP World iyo xaalada Dekadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa bari hortagi  doona golaha wakiilada maamulka Puntland  si su’aalo looga waydiiyo arimaha Dekadda Boosaaso.