Beesha Caalamka oo war ka soo saartay doorashooyinka iyo shirka Dhuusamareeb

20

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa rajo looga muujiyey in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya aysan wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca.

Qoraalkan waxaa lagu xusay in arrintii Sabtidii todobnaadkan ka dhacday xarunta golaha shacabka “Aysan wiiqi doonin, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii, ilaa laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.”

Beesha Caalamku “waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020-ka.”

Sidoo kale waxay tallaabo muhiim ah ku tilmaameen go’aannadii ay madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22-kii bishan.

“Taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas, madaxda waxaan ka fileynaa, waxaan ka filayaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu inay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb 22-kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, si la isugu keeno dowladda dhexe, dowladaha goboleedyada, hoggaanka BFS, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii waxaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.”

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah. Austria, Belgium, Ingiriiska, Canada, Denmark, Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.