halkan ka dhagayso barnaamijka sama wade ee radio markabley qaybta 2AAD

36

 

Kulanti wanaagsan  dhagaystayal ku soo dhawaada barnaamijka  sama wade  ee radio markabley

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

 

Iyadoo cudurka covid19 uu gabaabsi kasii yahay dunida ayaa lo ogaaday in mid ka mid ah sababaha uu ugu faafay soomaaliya gaar ahaan dhulka ka baxsan magaalooyinka waawayn ay ka danbaysay kooxda Shabaab ee argagicisada ah maadaama ay isku dayeen in ay inkiraan jiritaanka cudurka sidoo kalana ay hor istaageen hirgalinta talaabooyinka latacaalista cudurka taas oo keentay in dad badan uu ku fido.

 

Hadaba soow tani muujin mayso sida Shabaab aysan wax dan ah uga lahayn badbaadada umadda iyadoo intii ka badbaaday xabaddooda ku faafinaysa cudurro?

Barnaamjka caawa waxa marti iigu ah

Taliyaha saldhiga booliska degmada baardheere ee maamuklka jubaland gaashaanle c/fitaax macalin nuur

Xuseen cismaan dhaqane oo ka mid ah aqoonyahanada gobalka gedo isla markaana ka faaloosa arimaha amniga iyo siyaasada geeska afrika

Isku duwaha wasaarada beeraha maamulka jubaland saacid abshir cartan

Barnaamijka waxaad si toos  ah ugala socotaan radio markabley  FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535,  sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so  cida su’aal waydiinayso mas’uuliyiinta barnaamijka caawo martida ku ah ama fikir nagu biirinayso waxaad si toos ah nooga soo wici kartaan leenka idaacada markabley 04360113.
Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)
barnaamijka sama wade  caawa waxaa soo saaray khaddar maxamed siraad
Qaybaha danbe ee barnaamijkana waxaan qadadka u furaynaa dhagaystayaasha si ay noogu biiriyaan su’aal ama fikir waxa ay inoo hayaan,
waa mar kale iyo barnaamijkii  sama wade ee radio markabley