Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado+SAWIRRO

68

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo safar dhulka ah oo ay saaka kaga amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamulka degmada.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Denni ayaa ayaa shacabka uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen,waxaana loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Cadaado.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani iyo wafdiga uu hoggaaminayo  ayaa lagu wadaa in safar dhulka ah ay ku tagaan magaalada Galkacyo.