Kenya Oo Ka Hadashay Diyaaradii Ku Burburtay Garoonka Baladweyne

31

Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa ka hadlay diyaaradii 14-kii bishaan July ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne, kadib markii uu Safiirka wareysi siiyay Wargeyska Maalinlaha ah ee Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi.

Safiir Lukas Tumbo ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan qorshe lagu baari doono Sanduuqa Madow ee ku xirnaa diyaaradii xamuulka aheyd ee ku burburtay Garoonka Baladweyne, xili ay dooneysay inay ku Garoonkaas.

Waxaa uu sheegay Safiirka Kenya ee Soomaliya in Sanduuqa Madow iyo qalabkii kale ee wax duubayay ee diyaaradda ku rakibnaa loo duulin doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, si baaritaano kala duwan loogu sammeeyo Xogta ku duuban kuna aadan xiligii ay diyaaradda burbureysay.

Sababta dhalisay burburka diyaaradii Xamuulka aheyd ayaa waxaa ka hadlay kabtanka diyaaradda iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, iyagoona warar kala duwan ka sheegay shilkaas.

Kabtan Xuseen Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in sababta keentay burbuurka diyaaradda ay tahay, kadib xili ay dooneysay diyaaradda inay ku degto halka dhabbaha ay Cagadhigtaan diyaaradaha Garoonka Ugaas Khaliif uu mar qura halkaas soo galay Dameer socday, sidaasina ay diyaaradda ku burburtay, dabna uu ka kacay.

Dhinaca kale Guddoomiye Cali Jeyte oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in burburka diyaaraddii Garoonka Baladweyne uu ka dhashay cilad ka dhacday duuliyihii waday diyaaradda, isla markaana aysan macquul aheyn in Garoonka uu soo dhex-galo Dameer, isagoo tilmaamay in halkaas uu ku wareysan yahay Silig farabadan.

Si kastaba diyaaraddaas ayaa kasoo duushay dalka Jabuuti, waxaana ay siday raashin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Baladweyne, iyadoona xiligaas ay saarnaayeen saddex ruux oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.