Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay

29

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Socdaal dhulka ah kaga soo baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni waxaa Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha oo markii uu Gaalkacyo soo galay hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Shacabkii soo dhowaynta u sameeyay.

Mudane Deni wuxuu sheegay in uu maalmaha soo socda sii joogi doono Gaalkacyo halkaasna kaga qayb-geli doono Xuska Munaasabadda 1-da Agoosto oo ku beegan markii la aa’aasay maamulka Puntland.

Deni muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga soo qayb-galay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka