Wasiir Islow” Waa maalin mugdi ah”

19

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa si adag u diiday in xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaano doonaya Muddo kororsi ay maanta carqaladeen kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayna sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya Xilka laga qaaday.

“Waa maalin umada Soomaaliyeed mugdi u ah in guddooonka baarlamaanka uu si sharci darro ah udhaqmay. Waxaan laga rabaa inuu keneo caddeyn ah inay dood dhacday, eedeynta loo soo jeediyay xukumadda, xildhibaannada ay koodeen. Waxaas oo dhan ma dhicin, waana nasiib darro”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ah sidoo kale ah wasiirka amniga gudaha.

Waxaa uu sheegay Wasiir Islow Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ay rabaan Mudo korosi aan socon doonin, islamarkaana aysan aqbali doonin haddii ay yihiin xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Muddada gaaban ee hartay aan lagu mashquuli doonin dhismaha Xukuumad cusub taas badalkeeda ay ku dadaali doonaan in xaaladda dalka wax laga badallo oo doorashadu ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.