Xildhibaan Dalxa oo ka digay in la musuq maasuqo gurmadka la geynayo Afgooye

31

Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu ka digay in la musuq maasuqo gargaarka la geynayo degmada Afgooye ee gobolka shabeellada Hoose.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in walaac xoogan ay ka muujinayaan dhaqaalaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday shacabka saameynta ku yeeshay fatahaada wabiga shabelle uu ka geystay degmada Afgooye.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa ku baaqay in loo gurmado shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye.

Dhawaan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta Degmada Afgooye ay sheegeen  in fatahaadaha ku dhuftay magaalada ay barakiciyeen ilaa 6 kun oo qof islamarkaana ay kusii fidiyaan xaafado iyo degaanno cusub.