Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

34

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta  xukun ku riday eedeeysanayaal ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha  Al-shabaab.

Mustaf Maxamed Xuseen  iyo Maxamed Axmed Mu’min  ayaa maanta maxkamada ka soo hormuuqday kuwaasi oo ka tirsan Al-shabaab, lagu eedeeyay in ay qaraxyo geysteen magaalada Muqdisho, inkastoo hal eedeysane uusan ka soo muuqan maxkamada.

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa labadaan nin ka soo qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu xukumay xabsi daa’in, sida sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha maxkamada derejada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Maxkamadda ayaa sidoo kale  waxaa ay sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan.