Puntland oo sii daysay saraakiil horey loo xiray

27

Maamulka Puntland ayaa Xabsiga ka sii daysay Taliye ku xigeekii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile.

Labada sarkaal ayaa la xiray horraantii bishan July kadib markii ay gadood sameeyeen ciidamo ay ku jireen oo ka tirsan Booliiska Puntland kuwaas oo laga qaaday Caasimadda Garoowe si loogu soo tababaro Magaalada Qardho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha lagu waayay eedaymo loo haystay oo la xiriiray in ay ka dambeeyeen gadood ciidan iyo amar-diiddo sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay.