Dowladdaha Suudaan iyo Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

16

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka Dabiicigga dalka Suudan Eng. Cabdulqaadir Turkaawi.

kulanka Safiirka iyo Wasiirka waxaa ku wehliyay uqeybsanahay arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudan.

Mas’uuliyiintan ayaa intii Kulankoodi uu socday waxaa ay ka wada hadleen xiriirka sooyaal ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireeynka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudan.

Waxyaabaha ay isla garteen waxaa kamid ah adkeynta xiriirada dhinacyada kaladuwan leh,horumarinta iskaashatadda beeraleeyda iyo Wax soo saarka dalagga beeraha iyo kuwo kale oo badan.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah,kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhinacyo badan  sida Siyaasadda,Dhaqaalaha diplomaasiyadda beeraha iyo wax soo saarkooda.