-Wariye Gurbiye oo Maanta markale Maxkamad la soo taagayo

17

Waxaa Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeynayaa Tifaftiraha Warbaahinta goobjoog Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo horay dhawr jeer loo horgeeyay maxkamadda in kastoo markii dambe ay sheegtay in aan lahaynin cida dacwadda u heysata Wariyaha.

Xoghayaha Urrurka Saxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin oo la hadlay Risaala ayaa waxa ka warbixiyay heerarka ay soo martay Maxkamadeyntiisa iyo eedeymaha loo heysto Wariye Gurbiye.

Waxa uu sheegay in Wariyaha lagu heysto sharci daro qodob dastuuri ah oo loo marayna uusan jirin , maadaama ay maxkamaddaba sheegtay in aan la heynin cidda dacwadda u heysato.

Maanta ayaa waxa la sugaya go’aanka ay kasoo saarto Maxkamadda gobalka banaadir arrinta Wariye Gurbiye , oo lagu Eedeeyay in ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Audio Player