Baaq deg deg ah oo loo diray dhinacyada ku shiray Dhuusamareeb

27

Waa warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga SAHAN ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleedayaa looga hadlay  warmurtiyeedkii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Dhuusamareeb.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo dhaweeyay qodobadii kazoo baxay Shirka, waxaana lagu sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhamaan dhinacyada ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah kusoo Magacaabaan Guddiyada farsamo oo laga heli karo kalsooni lagu geli karo wada-hadallo miradhala oo awood u leh inay Go’aamo gaaraan.

Ugu dambeyn Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Guuleed adkeysay inay muhiim tahay in doorashada Soomaaliya waqtigeeda ku dhacdo ayna noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.