Madasha Xisbiyada oo War kasoo saaray Go’aanada Shirkii Dhuusamareeb

29

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh ayaa waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed ay kusoo dhaweeyeen natiijada hor u dhaca ah ee kasoo baxday ShirkiiMadaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu bogaadiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo dadka ree Galmudug googosha quruxda badan ee ay Soomlida u fidiyeen,taas oo laga soo saaray qodobo muhiim ah.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa ay sheegeen in ay waajib tahay in laga heshiiyo doorashada iyo nooca ay noqoneyso waqtigeedana ku dhacdo,waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah lagu Magacaabo guddiga farsamo ee lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn Madasha Xisbya Qaran ayaa waxaa ay dalbadeen in doorashada Soomaaliya ay waqtigeda ku dhacdo,iyaga oo ka digay in wadanka uu galo firaaq Dastuuri ah hadii ay doorashada waqtigeeda ku dhicin.