Gaas oo ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb

80

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay go’aamadii kasoo baxay Shirkii xalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dadka ay qaataan hanaanka doorashada qof iyo cod ah in ay ka wanaagsan tahay in ay ku camal falaan dimoqraadiyada.

Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada lagu qabto waqtigii loogu tala galay,maadaama ay muhiim tahay ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay.

“Wax ka wanaagsan doorasho qof iyo cod ah, iyo in dadku ku camal falaan dimuqraadiyadda ma jiraan;haddii waqtigeeda lagu qaban karo hallagu qabto, cidna wax kama qabto” ayuu yiri Gaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Shirkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.