Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay gobolka Bari

18

Ciidamada PSF ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa sheegay hawlgallo ay ka sameeyeen buuraleyda ku teetsan gobolka Bari iyo deegaanno hoos tagay in ay saacadihii la soo dhaafay ay ka wadeen, oo ay ku dileen xubno ilaa 20 ka tirsan kooxda Daacish.

Hawlgallada ayay sheegeen in ay ka fuliyeen deegaannada Turmasaale, Cameyra,Buuraha Cal-Miskaat iyo qaar kale, ayna ku dileen xubnahaasi ay sheegeen.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira kooxda Daacish oo inta badan ku sugan deegaannada iyo Buuraleyda gobolka Bari.