Guddoomiye Najax oo booqday degmada Afgooye oo uu saameeyay Fatahaadda webiga Shabeelle

26

Warar aan ka heln ay gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ay gobolkaasi ay ka bilowdeen olole looga hortago sii baahitaanka biyahay weniga Shabeelle.

Ololahan oo ay bilaabeen maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa ah mid ay ku xanibayaan fatahaadda webiga si ay u yaraato saameynta uu geysto.

In badan oo ka mid ah tuulooyin iyo deegaanno hoostaga gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa si ba’an u saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle, iyadoo meelahaasi ay biyuhu gaadheen dadkii ku noolaa ay bilaabeen in ay isaga barakacaan.

Waxaa dhawaan booqday degmada Afgooye oo ka mid ah meelaha ay dadkii ugu badnaa uga barakaceen fatahaadda guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax isagoo sheegay in ololahan biyo xireenka ah ay dhameystiri doonaan.

Dhinaca guddoomiyaha ayaa baaq u diray hay’adaha Samafalka iyo cidkasta oo gacan ka gaystan karta in ay gar gaar deg deg ah u fidiyaan shacabka ku dhibaateysan gobolka Shabeellada Hoose.